Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:
Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..
"Imaamkii Masaajidka wuu diiday inuu natujiyo markii uu ogaaday in rag reer Madiina ah ay tuulada joogaan". Marka waan idin sugaynaa ee masaajidka hoos kuyaala noogu imaada. Markaasaa wiilkii naxay, kadibna wuu toosiyey saaxibkiis, wuxuuna weydiiyey. "War quraanka wax maka xafidsantahay?" Markaasuu ugu jawaabay inuusan awoodin inuu imaam noqdo. Kadib way fariisteen waxayna kafakareen siday arintaas uga bixi lahaayeen, mise mar labaad baa waxaa albaabkii soo garaacay ninkii shaqaalaha ahaa oo wuxuu ku yiri waan idin sugaynaa intuusan waagu baryin.
Markaasay qubaysteen oo dharki iska badaleen oona soo aadeen masaajidkii.. Mise masaajidku wuu buuxdhaafay sidii maalin jimce ah, markaasaa dadkii oodhan baa salaamay.
Midkoodbaa Imaamkii noqday, markii uu salaada xirtay oo bilaabay faataxadii ayaa waxaa ooyay dhamaan dadkii masaajidka kujiray, ayagoo xasuusanaya masaajidkii nabiga(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), markaasaa wiilkii imaamka ahaana la ooyay. Kadibna Qul Huwale baan aqiinay, labadaas bes baan kutujiyey dadkii.
Salaadii markii aan kabaxnay dadkii oodhan baa iiyimid oo isalaamay.. taasina waxay ahayd sababta Allah swt uu ku hanuuniyey labadii wiil, wiilkii imaamka ahaana hadda waa shiikh weyn..
Mararka qaar Allah swt waxuu kugu beegayaa arin aad kuhanuuntid(Alloow na hanuuni)
Markii uu nabigeena Mohamed(Naxariis iyo Nabadgalo Korkiisa ha ahaatee) uu gaaray Sidratul Muntahaa baa Allah swt u waxyooday, "Muxamadoow(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee) madaxaaga kor u qaad, oo wax iwaydiiso, waana kusiiniye". Nabigeena(Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri, "ALLAHAYOOW WAXAAD UMMADIHII HORE KU HALAAGTAY DHUL LAGOOYN, KUWANA WAAD BADASHAY MUUQOODII, EE ALLAHAYOW UMADEYDA SIDEE KA YEELAYSAA"
ALLAHA swt ayaa ugu jawaabay " WAXAAN KUSOO DAJINAYAA NAXARIISTEYDA, DAMBIGOODANA DAMBI DHAAF BAAN UGU BADALAYAA, KII IBARYAANA WAA SIINAYAA, KII ITALO SAARTANA WAAN KAAFINAYAA, KII MACSI SAMEEYANA ADUUNKAN KU ASTURAYAA, MAALINTA QIYAAMANA SHAFEECADAADAN KAA AQBALAYAA, HADII AAN AHAY ALLAHA NAXARIISTA BADAN ADNA AAD TAHAY SHAFEECAHA"
SIDEE BAY U DAYACMEYSAA UMADAADA U DHAXEYSO ALLAH NAXARIIS BADAN IYO NABI SHAFEEC AH.
DHOWRSANAANTAADEE ALLAHAYOW WEYNAAN BADANIDAA OO NAXARIIS BADANIDAA.
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
Asalaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah qol umada...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa**** Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saa...
-
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka...
-
Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad ilmeeneysid. Sacdiyo waxeey eheed gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey e...
-
Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka...
Monday, August 5, 2013
Sheydhaanka
Home
/
Khaatumada wanaagsan
/
Qiso Cajiib ah.
/
SALAADA
/
Sheydhaanka
/
Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato.
Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato.
Sheydhaanka
Labels:
Khaatumada wanaagsan,
Qiso Cajiib ah.,
SALAADA,
Sheydhaanka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment