MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.
***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****
Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, kadib way soo baxday, intii ay wadada mareysay ayey cabsi dareentay maadaama ay wadada cildo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay aragtay nin geed horteeda ah ku gambanaya way naxday waxay Allah ka barisay inuu badbaadiyo ayadoo ducooyin badan afka ku heysa ayey si tartiib ah ninkii u ag martay, gurigeedii ayeyna si nabad ah ku tagtay.
Subixii ayey waxay maqashay in wadadii ay soo martay geedkii ninku ku jiray agtiisa lagu dilay gabar, xiliga uu dilka dhacay waa qadar 10 daqiiqo camal kadib markii ay meesha martay,
Waxay dareentay in ninka dilka geystay uu yahay kii ay soo agmareysay, si ay police-ka ugu sheegto ninka tilmaantiisa ayey aaday saldhiga.
kadib taliyihii saldhiga joogay ayaa u sheegay in ay hayaan dhowr nin oo habeenkaas la soo qabtay loogana shakisan yahay dilka gabadha in ay geysteen, sidaa darteed wuxuu gabadhii ka dalbaday in ay ragaas wajiyadooda eegto oo ay sheegto hadii uu ku jiro ninka ay habeenkii aragtay.
Gabadhii ayaa si geesinimo leh u soo hor istaagtay ninamkii eedeysanayaasha ahaa waxayna ka aqoonsatay ninkii, wayna sheegtay, ninkii ayaa isna dambigii qirtay.
Gabadhii ayaa taliyaha ka codsatay in ninka loo weydiiyo sababta uu iyada u soo weerari waayay.
Markii la weydiiyay ninkii ayaa ku jawaabay; "kaligeed meysan aheyn, waxaa dhinacyada ka socday laba nin oo dhaadheer oo xoog badan."
#Allaahu Akbar, waxaa hubaal ah in qofkii Allaah magan gala in uu
Allaah badbaadinayo.
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
Qiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda Waxaa loo Aasi Waayay Way Cusleed, Naxashkii Bay Ka soo...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii ayaa Xanunsaday markii Masjid...
-
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? O...
-
Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn. Ninkii fuundiga ahaa waa waynaaday hawl ...
-
Qiso Cajiib ah wiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxan ahayn arday tiro fara badan ah oo dhigata jaamacad ku taala magaalada aan ku noolah...
-
SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,, Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu u yimid nin...
-
الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد Dad baa waxay ku murmaan had iyo jeer labada waalid ee Nabiga scw ma gaalay ahaayeen mise musli...
-
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca...
Monday, October 14, 2013
Faaidada Cabsida Allaah swt
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****
Faaidada Cabsida Allaah swt
Labels:
Faaidada Cabsida Allaah swt
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment