QISO DIINI AH~
Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.
Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna Alle ( S.W.T ) kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah. Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay. Habeen habeenada kamid ah ayaa Allaah S.W.T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.
Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini aadam u raad eg oo misna igu soo dhawanaya. Waxaan Allah kaman galay sheydaan dhagartiisa waana iska seexday. Waxaan hurdadii ku arkay shey iidhaw oo hadana aad uyar oo misna samada kasoodhacaya dhulkana kusoo socdo waan yaabay... Waxaan cadayn waayay/sifeeyn kari waayey sheyga waxa uyahay. Waxaan arkay sheygii yaraa o isku dalay "NAAR WEYN " subxaanallah. Oo igu sohobanaysa.
Waan fariistay anigoo walbahaarsan misna raadinaayo shaqsi aan ukaashado masiibadaan. Meel anan arki karin ayay iiga dhawaaqeen waxayna igu yiraahdeen. " Tani waa saacadii qiyaamaha bilaawgeedii. Maalinta qiyaamana weydhacday. Tana waxay kamid tahay calaamadihii ugu horeeyay"
Waan argagaxay!!! Waxaan xasuustay wax walboo acmaal ah ee aan hormarsaday. Haday wanaagsanaan lehed iyo haday xumaan leheed. Waxaan bilaabay qoomamayn midii iigu darnayd. Waxaa isoo fodsaray cabsi iyo walbahaar. Waxaan isweydiiyay " inteed howsha kabilawda? " sideen kubadbaadi karaa?" waxaan maqlay mid dhawaaqaayo oo leh " Maanta ma ahan maalin ay qomamayn wax tareyso waana lagaa abaal marin doonaa waxa aad qabatay.. Xagee baad kusugnaanjirtay xiliyada salaadaha? Maxaad aheyd mid qabta marka ay kuuyimaadaan amarada allah? Ma eheyd nin wanaaga qaato xumaantana isaga taga? Waxaad aheyd mid hilmamay Rabigiisa waxad wakhtiyadaada kulumisay CIYAAR & HEESO maantana waxaad imaan adigoo oo ilmeynaayo kadib markaad aragtay cadaab kaaga " Waxaa sii siyaaday shalaygeyga kadib markan maqlay mid iigu yeeraya cadaabka adag. Waan ilmeeyay illa ay ilmadu iga idlaatay/dhamaatay. Laakiin waxba imay tarin isla daqiiqadaa ayaan katoosay hurdadii waxaan eegay nafsadayda. Way rumeysan weyday riyadaan. Waxaa iga soboday neef weyn waxaa iso wajahday cabsi horleh mana kasuulin in aan baqayo. Nafsadayda ayaa waxaan ku iri " wallaahi baan kudhaartee kani waa digitaan kaaga imadaayday dhanka Allah s.w.t maalinta la isa soo saari doonana waa lama huraan. Maxaad Allah ucaasin ayaan isweydiyay. Miyadan aheyn mid dhex dabaasho wax uu Allaah xarimay? Su,aalo farabadan ayaan kusoo degdegay maskaxdayda umana helin ilaa hal jawaab oo qura. Taasoo aheyd Allaah ulaabasho si maalinka weyn uga badbaado. Waxaa baryay waagii waxaana lagaaray salaadii subax waan tukaday nafsadaydana waxay darentay Raaxo iyo wanaag Subaxdaas. Waan so baxay waxaan koray gaarigayga waxaan egay gudihiisa waxaaba kabuuxo canjelado HEESO ah waan kasaaray dhamaantood waxaana kutuuray melaha qashinka lagu tuuro. Waxaan raadiyey canjelado islaami ah oo wax tar iileh. Xaaladaa ayaan kusugnaa maalin kastana waxan ahaa mid mid kusiidhawanayo wadada hanuunka.
Badanaa tiro dad ah oo kulunsan dhaldhalaalkan dunida ee beenta ah. Oo badana inta ay hilmaamsiisay maalin aan lahilmaami karin maalinkaa oo uu shaqsigu ka cararayo Walaalkiis-Hooyadiis iyo aabihiis- xaaskiisa iyo caruurtiisa, waa maalin maalka iyo caruurtuba aanay waxba taraynin ilaa ruux Allah ula taga qalbi wanaagsan iyo camal suuban mooyaanee.
يفر فيه المرء من أخيه و أمه و أبيه وصاحبته وبنيه، يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتي الله بقلب سليم
walaalaheygiyoow miyaaysan eheyn in aan Allah s.w.t aan ulaabano inta aynaan geeriyoon ka hor.. Wabillahi tawfiq.
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey s...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? O...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. (Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin). Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka i...
-
Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado. Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka u...
Saturday, January 24, 2015
Qiso Cajiib ah.
Home
/
Qiso Cajiib ah.
/
QISO DIINI AH~OO CAJIIB AH.Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.
QISO DIINI AH~OO CAJIIB AH.Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment