QISO YAR OO CAJIIB AH.
Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu
Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu
Cimraysan jiray, marka ay Sannadka Xajka Gaarto waxa uu
Iibsan jiray Awr, Sannad ka mida Sanadadii Xajka ayuu C/
laahi Ibnu Mubaarak Awrkii doontay, ka hor intaanu Xajka
Tegin, balse meeshii uu Awrka ka Iibsanayay ayuu ku Arkay
Gabar Rifeysa Shimbir, C/laahi Ibnu Mubaarak wuxuu
Weydiiyay Sababta? Waxey tiri:- Waxaan Haystaa Afar
Caruur ah, Odaygaygii waa Hore ayuu Dhintay, Caruurtaydii
waxay Cunto ma Heysato Bakhtiga ayaa u Xalaal ah, Anigu
Buurigaa yar ayaan ugu Shaqayn jiray, kiina wuu Xumaaday
ee ii Hagaaji C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Naxay Naftiisa
ayuu Canaantay, Lacagtiina wuu Siiyay.
Sanadkaa Xajkii muusan Tegin Gurigiisa ayuu iska Fariistay
ilaa ay Dadkii ka soo noqdeen Xajkii ka dib Deriskiisii ayuu
Salaamay, wuxuuna ku yiri:- Alle Xajka ha Idinka Aqbalo,
iyaguna waxay ku yiraahdeen:- Adna ilaahay Xajkaaga
Hakaa Aqbalo waa taanu Xajka kugu Aragnee.
C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Yaabay Dhowr Qofna sidaas
ayey ku yiraahdeen. Gurigiisii ayuu Tagay Habeenkii Siduu u
Fikiraayay ayuu Seexday, Wuxuu ku Riyooday Rasuulka
CSW, oo ku leh:- Hayaabin C/laahi markaad Lacagta aad
Xajka ku Tegi lahayd Bixisay ayaan ilaahay kuu Weydiiyay
inuu Abuuro Malag kuu Eg oo kuu Xajiya.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW XAJ IYO CUMRO NOO SAHAL, YAA RABBI).
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
Asalaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah qol umada...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa**** Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saa...
-
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka...
-
Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad ilmeeneysid. Sacdiyo waxeey eheed gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey e...
-
Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka...
Wednesday, November 11, 2015
Qiso Cajiib ah.
QISO YAR OO CAJIIB AH.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment