SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.
Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka Aabe iyo waxa uu ilmihiisa u huri karo.
Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa, xaaskiisa waxay geeriyootay gabadha yar oo hal sano jir ah, isaga ayaa gabadhiisa hooyo iyo aabe u ahaa, mana uusan guursan xaas kale.
Asma waxay dhigataa iskuul dugsi sare, waxay aad u dhibsatay aabeheed oo dhagool ah, maadaama marka ay ardayda qaar is qabtaan ku caayaan dhagoolnimada aabeheed.
Maalin ayey guriga ku soo laabatay iyadoo aad u careysan, aabeeheed Haaruun wuxuu u diyaariyay qado, markii uu u keenay way diiday inay qadeyso, Haaruun isagoo is leh tolow gabadha yari miyey xanuusan tahay ayuu u ishaaray madax isago weydiinayay; madaxa miyaa ku xanuunaya.
Asma yarey afka ayey furatay waxayna ku tiri aabeheed erayo aan u qalmin, oo ay ka mid yihiin:-
"Oday yahow dhagoolkaa maxaa aabe iiga kaa dhigay,
adiga ayaa nolosha igu dhibay,
mar walba dadka lama kaftami karo adiga daraadaa."
Oday Haaruun ma uusan fahmeyn hadalka gabadha balse wuxuu dareemayay inay isaga heysato oo ay u careysan tahay, wuxuuna isku dayay inuu gabadha yar dajiyo, balse nasiib daro ma aysan ka yeelin waxayna orod uga baxday guriga .
Iyadoo ordaysa ayey laamiga gashay iyadoon dhinacyada eegin, waxaana si xun ugu dhacay gaari xowli ku socday, isbtiaalka ayaa loola cararay, waxay gashay xaalad koomo ah.
Aabe Haaruun aad ayuu uga naxay shilka gabadhiisa ay gashay, wuxuu u tagay dhaqtarkii wuxuuna u sheegay (isagoo isticmaalaya luuqada dhagoolada ee ishaarada ah) in uu aad u jecel yahay gabadhiisa uuna doonayo in xaaladeeda caafimaad lagu dadaalo, dhaqtarkii ayaa yiri gabadhaada xiligaan hada la joogo dhiig ayey u baahantahay waayo aad ayey u dhiig baxday.
Haaruun oo ay gabadha isku dhiig ahaayeen ayaa yiri aniga dhiigeyga haloo shubo, intii aan dhiiga laga shubin ayaa la baaray waxaana loo sheegay in ay isaga laftiisa dhiig la'aan heyso oo aan dhiig laga shubi karin, hadii laga shubana uu qatar gali karo.
Wuxuu ku adkeystay in dhiiga laga shubo, sidii ayeyna sameeyeen dhaqaatiirti.
Aabe Haaruun xogaa kadib waa uu geeriyooday dhiiga faraha badan ee laga shubay dartiis.
Asma markii ay soo naaxday oo xaaladeeda roonaatay waxaa loo sheegay in uu aabeheed geeriyooday dhiiga lagu shubayna asaga uu lahaa.
Iyadoo aad u murugeysan ayey ka shalaysay in uu aabeheed geeriyoodo iyadoon ka raali galin qaladkii ay gashay.
MUHIIMADA SHEEKADA: Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso.
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey s...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? O...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. (Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin). Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka i...
-
Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado. Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka u...
Monday, October 14, 2013
Aabo Macaan
Home
/
Aabo Macaan
/
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa,
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa,
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment