Qisadan layaabka badan, ayaan ka dhaadhacayn qof nabi Muxammad (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) rumaysan mooyaane qof kale, waxaanay ka dhacday magaalo ku taalla wadanka boqortooyada Saudi Arabia oo u dhaw caasimada dalkaasi ee Riyadh.
Sida uu kusoo waramyo mid kamid ah walaalaha magaaladaasi dagan ayaa gabadh kamid ah dumarka magaaladaasi uu haleelay xanuunka aan dawada lahayn ee Cancer-ka gaar ahaan nooca dhiiga ku dhaca (Allah ha inaga ilaaliyee), kadib ayaa gabadhani u baahatay inay qabsato shaqaale daryeela oo jaariyad u noqda, waxaanay markiiba heshay jaariyad u dhalatay wadanka Indonisia,
Jaariayadan oo ahayd mid akhlaaq iyo diin u saaxiib ah ayaa cillada kaliya ee lahayd ahayd in ay waqti badan ku qaadan jirtay musqusha dhexdeeda, iyada oo isla markaana aad ugu noqnoqon jirtay.
Gabadhii guriga lahayd ayaa waxay u fiirsatay waqtigan badan ee ay shaqaaladu ku lumiso musqusha dhexdeeda, kadib markii todobaad ka soo wareegay joogitaanka shaqaaladan ayaa maalin maalmaha kamid ah ayaa ay u yeedhay oo ay waydiisay sababta keentay inay waqtigan oo dhan ku dhex qaadato musqusha?
Halkii laga filayay inay si caadi ah uga jawaabto ayaa miskiinadan shaqaalada ahi ay oohin la fadhiisatay, iyada oo
ilmadu qoysay maradeeda.
Gabadhii ayaa waxay si naxariis leh u waydiisay sababta ay la ooyayso?
Jaariyadii waxa ay ku jawaabtay: Waxaan umul ahay 20 maalmood oo kaliya, aniga oo markaas uun umulay ayaa waxa ila soo hadlay xafiiska shaqaalaysiinta jaariyadaha oo aan ka diiwaan gashanaa, markiiba waan ajiibay shaqadan oo fursada ayaan ka faaidaystay waayo bahi daran ayaa i haysay.. Sababta aan musqusha waqtiga badan ugu jiraana waxa weeye marka aan waxyar joogoba naasaha ayaa i darara kadib ayaan caanaha iskaga soo lisaa..!!
Markay gabadhani ogaatay arinkan ayaa iyadoon cidnaba u sheegin ay judhiiba ticket diyaaradeed oo duullimaadka ugu soo horeeya ah u jartay jaariyadii, waxaanay gacanta ka saartay lacag u dhiganta intii ay 2 sanno ugu shaqayn lahayd, dabadeed inta ay u yeedhay ayay ku tidhi: Waa kan mushaharkii aad qaadan lahayd labada sanno ee soo socda, soco oo u tag ilmahaagii, naaska ku duug oo daryeel, 2 sanno makay kuu dhamaadaanna igu soo noqo oo shaqadaadu waa kuu diyaar, marka aad timaadidna igala soo xiriir lambarkaygan.
Markii ay duushay shaqaaladii ayaa ay gabadhii u tagtay Doctor-kii si ay u ogaato heerka uu marayo xanuunkan dilaaga ah ee hayaa.. Balse waxa lama filaan noqotay in markuu dhakhtarkii ku sameeyay baadhitaan uu ka waayay xanuunkii, dabadeed mar labaad iyo mar sadexaadba uu ku celiyayna wuu ka waayay, ugu dambayntii ayaa uu saaray fallaadhaha shucaaca ee lagu baadho xanuunkan waxaanay natiijadii soo baxday 0%.
Kadib ayaa uu yaqiinsaday in ay ka bogsatay xanuunkan ayaa uu waydiiyay dawada ay qaadatay ee ka kaxaysay waxaanay ahayd jawaabteedu: waxa laga wariyay Abii Imama (Allah raali ha ka noqdee )in uu Nabigu yidhi (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) “SADAQADA KU DAAWEEYA BUKAANKIINA..”.
Allahayow qofkii faafiya ka yeel mid siyaarta gurigaaga barakaysan ee Makka..Aamiin
Allahayow muslimiinta intii xanuunsanaysa caafimaad sareecan ah sii.. Aamiin .
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
Asalaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah qol umada...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa**** Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saa...
-
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka...
-
Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad ilmeeneysid. Sacdiyo waxeey eheed gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey e...
-
Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka...
Thursday, January 1, 2015
Faaidada Sadaqada
NABIGA SCW WAXUU YIRI: "SADAQADA KU DAAWEEYA BUKAANKIINA".
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment