QISO CAJIIB AH.
Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu Waagu beryay, mise waaba Habeen Bar, waxaan hor Fariistay Guri Albaab yar leh, Mise Guriga waxa ka Ooynaaya Wiil Dhalinyaro ah oo leh:-
(ilaahoow Sharaftaada iyo Cizadaada ayaan ku Dhaartay, Ma Dooneeyn inaan Khilaafo Ammarkaaga, Ilaahoow ma aheyn mid Mooggan Awooddaada, mana aheyn mid aan Ogeyn Ciqaabtaada, mana aheyn mid Aragtidaada iska Qarin karaayey, laakin Nafteyda ayaa Xumaantaas ii Qurxisay, waxaana iga Qaalib noqday Xumaanteydii, Haddana Ilaahoow ma heysto Cid Cadaabtaada iga Badbaadineysa ee Ilaahoow adiga ayaan marnaba kaa Maarmin, waxaan kaa Baryaan Dembiyadeyda aan galay inaad iga Cafisid, Cid kale oo Dembiyada Cafisa ma jirto aan Adiga aheyn Rabbiyoow).
Markaas ayaan Argagaxay oo aan Aqariyey Aayadan Quraanka ah oo Dhaheysa:- (Kuwa Allaah iyo Maalinta Qiyaame Rumeeyayoow, uga diga Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar, Naartaas oo lagu Huriyo Dad iyo Dhagaxaan, korkeedana ay ku Sugan yihiin Malaa'ig, Ad-adag oo Argagax leh, oo aan Allaah Caasiyayn waxa uu Faro, Falaayana waxa uu Amro).
Markuu Waagii Baryay ayaan arkayba Gurigii oo Tacsi taal, misana waxaan arkay Hooyadii Guriga oo Oyneysa, kolkaas ayaan ku iri:- Hooyo maxaa Dhacay?, markaas ayaa Hooyadii igu tiri:- Wiilkaygii ayaa Geeriyooday, waxaan ku iri:- Goormuu Geeriyooday?, waxey igu tiri:- Xalayto mid Baas baa ku Dul Aqriyey Aayad Naarta ka Sheekaynyso Markaas ayuu Xasuusteeda iyo Cabsideeda la Dhintay.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI).
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
Asalaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah qol umada...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa**** Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saa...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Ho...
-
Qiso Aad Umacaan Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo d...
-
Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta waxaan dhigtaa labo jaamacadood mi...
Wednesday, April 9, 2014
Khaatumada wanaagsan
QISO CAJIIB AH.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment