Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..
::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa waxa uu ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,
Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin
wey weynaadeen oo ey Guursadeen Qof walbana wuxuu la Joogaa Xaaskiisa weyna i iloobeen meeshaan ayeeyna iiga tageen, wuxuu Yiri waxaa Maalin ii yimid Anigoo Guri Kaligeey Jooga Midki ugu Naxariista Badan ee ilmaheyga aha, Guri ayan kaligey ku Noolaa Qabow badan wuxuu i yiri Aabow waxaan ku geynaa Meel aad ku nasato aadna u fiican,
Aniga Camoole ayaan ahay (indhoole) Ul yar intuu ii dhiibay ayuu i yiri Aabow halkaan Fadhiiso waa laguu imanaa,. meeshana waa Isbitaal,
wuxuu yiri, Cimrigeeyga waa 90 Sano mana fileyn in ey Maalin un isbitaal iiga tagi doonaa anigoo Kaligey ah waxaa ii dhaantay in aan wax ciyaal ah dhalin
Wiilkii ayaa wuxuu weydiiyay Adeer xitaa ma jiro miyaa Mid ka mid ah Caruurtaada oo isbitaalka Maalin kuugu soo Booqatay ama kuugu yimid?
Meeqaa Sano ayaadna isbitaalkaan ku Jirtaa?
Odeygii ayaa wuxuu yiri waxaan ku jiraan isbitaalka 2 Sano
Albaabkeeyga xitaa ma eynan soo garaacin ilaa 2 sano,
Wiilkii ayaa ku yiri adeer Ilaah u Bari in uu soo Hanuuniyo iyaga kuna sonoqdan,
Odeygii ayaa yiri, maya Wiilkeygiyow Gacmaha ayuuna Kor u taagay Samada isago dhahaayo kama Tagaayo Maalinta Yowmul Qiyaamo Alle Hortiis ayaan istaaga kana soo Horjeesan doonaa iyaga,
Markeey Ciyaalka ahaayen kama uusan tagay hada xiligii uu u baahnaa Taageerdooda ayeey Meel cidlo ah ugu Dhaqaaqen,
waalasoo koriyay waalasoo Kabiyay waxayna iloobeen waqtigoodii hore iyagoo aan waxba aheyn in lagu soo tabac iyo tiir beelay,
waxay moodan in ey Raaxo ku jiraan, Cabaar Kadib Odeygii wuu iska Ooyay,
wuxuuna Yiri Allow Aduun iyo Aaqiroba Yeeyna ku Farxin,
10 Caruur ah oo Hal qeyr qabo aanan ku jrin,
Wiilkii wuu iskaaga Tagay mudo 2 bil ah ayuu soo Noqday wuxuu arkay Sariirtii uu ku Jiifay Odeyga oo Faaruq ah wuxuu weydiiyay Digtorkii Isbitaalka, Aaway odeygii Halkaan Jiifay? waxaa loo sheegay in uu dhintay, wax dad ahna eynan u imaanin oo ey ogeysiiyeen Caruurtiisa in uu dhintay Aabahood Laakiin waxaay yiraahdeen Mashquul ayaan nahay mana imaan karno, waala daahiriyay waana la karfana lana Duugay,.. Nabiga (cs) wuxuu yiri, Ma Galaayo Janada Qof aan waalidkiis Waajibaadkooda Gudanin,,,
Allow Waalidkeen Dambigood dhaaf una Naxariiso,
Sidoo kale Walidinta Islamka aaaaaaamiiiiiiin Ya Rabi
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
Asalaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah qol umada...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa**** Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saa...
-
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka...
-
Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad ilmeeneysid. Sacdiyo waxeey eheed gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey e...
-
Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka...
Thursday, September 26, 2013
Qiso Cajiib ah.
Home
/
Aabo Macaan
/
Khaatumada xun
/
Qiso Cajiib ah.
/
Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..
Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Aabo Macaan,
Khaatumada xun,
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment