QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?
Labels
- Aabo Macaan
- Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda
- ALHAMDULILAH
- Faaidada Cabsida Allaah swt
- FAAIDADA DUCADADA
- Faaidada Sadaqada
- Guurka
- Hooyo Macaan
- Khaatumada wanaagsan
- Khaatumada xun
- Maxaan ilmo u dhali la
- Nabi Suleymaan CS
- nahay
- NUMBARADA QOLKA LAGU GALO
- Qabuuraha
- Qiso Cajiib ah.
- Qiso xanuun badan
- QORAAL FAAIDO BADAN
- SALAADA
- Sh mohamed Idiris
- SHEEKO NAXDIN LEH
- Sheeko xikmad badan
- Sheydhaanka
- Tarbiyada Caruurta
- waano
- Zowjka wanaagsan
Most Popular
-
QISO DIINI AH~ Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow. Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo ka...
-
14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jee...
-
Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey, ...
-
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey s...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan...
-
QISO CAJIIB AH. Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta? Waxuuna ku Jawaa...
-
Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin...
-
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? O...
-
QISO YAR OO CAJIIB AH. (Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin). Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka i...
-
Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado. Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka u...
Saturday, September 28, 2013
Sheeko xikmad badan
Home
/
Guurka
/
Qiso Cajiib ah.
/
Sheeko xikmad badan
/
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:
Sheeko xikmad badan
Labels:
Guurka,
Qiso Cajiib ah.,
Sheeko xikmad badan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment